Laascaanood (Dawan) — Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo la xiriiray xaaladda amni ee Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye xilligii uu ka dhoofayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Waqooyi Bari, Axmed Cabdirisaaq Diiriye, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isaga oo caddeeyay in aanay jirin wax dhacdo amni ah oo ka dhacday garoonka xilligii uu madaxweynuhu safrayay.
“Waxaan si rasmi ah u xaqiijinayaa in aanay jirin wax dhacdo amni ah oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xilligii uu safrayay Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye. Waxaan warbaahinta ugu baaqayaa inay ka fogaadaan faafinta wararka aan xaqiiqada ku dhisnayn,” ayuu yiri wasiirku.