Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray: Cadnaan Cabdi Cali, Weriye madax bannaan
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa 25 August hortagay Guddiga Ganacsiga Golaha Shacabka, si uu uga jawaabo su'aalaha ku saabsan xaaladda ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.
Kulankan oo muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray cabashooyinka ganacsatada, culeysyada canshuuraha, iyo arrimo kale oo saameyn ku leh horumarinta ganacsiga gudaha.
Dalabka Itoobiya ee Malaayga iyo Caqabadaha Horyaalla Soomaaliya
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay Itoobiya heshiis ganacsi oo ku saabsaban kala beddelashada jaadka iyo kalluunka, wasiir Jibriil waxa uu sheegay iney la fadhiisteen shirkadda Ethiopian airlines oo dalbatay in Soomaaliya maalintii ka Dhoofiso 15 tan oo kalluun ah, taas oo sanadkii gaareysa 5.4 kun oo tan kaliya. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan awoodin inay bixiso xaddi intaas la'eg, isaga oo sheegay ineysan jirin jirin shirkad kalluun oo maalinkii intaas heli karta, sababo la xiriira in dalka uusan lahayn keydad waaweyn oo lagu kaydiyo kalluunka, iyo in kalluunka Soomaaliya uu yahay mid xilliyeed (seasonal), taas oo keentay inaysan suurtogal ahayn in xaddi joogto ah la helo.
Sidoo kale, Wasiirka waxa uu xusay in korontada dalka oo qaali ah ay caqabad ku noqotay hirgelinta hawshaan. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale aan awoodin inay sameystaan maraakiib waaweyn oo kalluunka soo jari kara, awood keydin leh, isla markaana suurta gelin kara in kalluunka loo dhoofiyo dalalka kale. Wasiirka ayaa soo jeediyay in loo baahan yahay maalgelin iyo iskaashi caalami ah si loo horumariyo kaabeyaasha ganacsiga kalluunka.