Soomaaliya, Febraayo 26, 2026 (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Khamiis ah wadahadallo la yeeshay madaxda ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhamaadii bishii December ka dhacday gobolka Banaadir, sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd dhageysiga talooyinka ururrada siyaasadeed ee ku saabsan nidaamka doorashada “qof iyo cod” kaddib markii laga hirgeliyay caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in hoggaanka ururrada laga dhageystay aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka dadweynaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada ee arrimaha siyaasadda.








