Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta inay dadweynaha kaga been sheegayaan mowqifkooda ku aaddan doorashooyinka dadban, isagoo sheegay in hadallada ay shacabka ka hor jeediyaan ay ka duwan yihiin wixii ay dowladda kula wadaageen kulamo gaar ah.
Xamse ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad loogu dabaaldegayay Ciidda oo ka dhacday magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay markii ay dowladda la kulmeen si toos ah u sheegeen inay taageersan yihiin doorashooyinka dadban, balse marka ay dadweynaha la hadlayaan ay sheegaan in dowladda aysan doonayn wada-xaajood ama ay kasoo horjeeddo.
“Waxaan u maleynayaa in uusan jirin hal nin oo bannaanka istaagay oo yiri ‘doorasho dadban baan rabaa,’ sow ma aha? Maxaad dadka uga cabsanaysaan? Laakiin markii ay nala kulmeen si gaar ah, waxay noo sheegeen inay taageersan yihiin doorashooyinka dadban,” ayuu yiri Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay dadweynaha marin-habaabiyan, taas oo abuureysa jahawareer iyo kalsooni darro.


