Muqdisho (Dawan)- Waxaa maagalada Muqdisho lagu qabtay maalintii Khamiiska (23 May 2024)- munaasabadda daahfurka Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada oo ah xarun loogu tala galay in ay ka qayb qaadato toosinta wacyiga bulshada, iyada oo loo marayo fahamka saxan ee diinta Islaamka.
Munaasabadda waxaa kasoo qayb galay mas'uulyiin ka kala socday wasaaradaha waxbarashada iyo Arrimaha Diinta, xarumaha cilmi-baarista, dalladaha waxbarashada iyo culumada Soomaaliyeed, iyada oo ay sidoo kale goob joog ahaayeen aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.
Guddoomiyaha Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada, Dr Maxamed Xuseen Ciise oo sharraxaad ka bixiyay ujeedka loo furay Xarunta ayaa sheegay in ay jirto baahi wayn oo dhanka wacyiga qalloocan ah, taas oo ay lagama maarmaan tahay in culumada iyo aqoonyahano u istaagaan sixiddeeda, si looga qayb qaato horumarka bulshada iyo wada noolashaheeda.
Guddoomiyaha ayaa yiri; "Xarunta Geeska Afrika ee daraasadka Wasadiyada, waxaa looga gol leeyahay in ay mujtamaca xasuusiso, qiima wayn oo qiimaha Islaamka ah oo ah in uu noqdo qof toosan.. oo fikirkiisu uu noqdo , dhaqankiisu uu noqdo, habka uu umadda ula dhaqmaayo uu noqdo mid dhaxdhaxaad ah oo aan dhinac u dheellin ee xaqa abbaara"