Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Imaaraadka Carabta uga digay in Soomaaliya ay difaacan doonto madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda qaran, isaga oo dhinaca kale muujiyay in albaabka wada-hadalku u furan yahay haddii la helo ixtiraam iyo is-qaddarin labada dhinac ah. Khudbad muuqaal ah oo uu Talaadadii galabnimo u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, ayuu madaxweynuhu Imaaraadka ku eedeeyay faragelin muddo dheer soo socotay oo ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in dal ay Soomaaliya u aragtay saaxiib iyo walaal uu qaaday tallaabooyin wax u dhimaya midnimada qaranka.
"Waxaan maanta idinkala hadlayaa halista ay arrintani ku hayso qaranimadeenna, sababtoo ah in laga aamuso waa khiyaano," ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, kaas oo salka ku haya diinta, dhaqanka, afka iyo isu-dhowaanshaha juqraafiyeed. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Imaaraadka martigelinta kumannaan Soomaali ah xilligii dagaallada sokeeye iyo fursadihii ganacsi ee ay Soomaalidu ka heleen dalkaas.
Hase yeeshee, madaxweynuhu wuxuu Imaaraadka ku eedeeyay inay hareer martay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana heshiisyo dekedeed la gashay maamul-goboleedyo, dhistay ciidamo milateri oo ka baxsan nidaamka amniga qaranka, ayna taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siisay maamullo uu sheegay inay ka hor yimaadeen dowladda dhexe. Waxa uu sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyay inay door weyn ku lahayd tallaabada ay Israa'iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isla markaana ay diiday inay saxiixdo bayaannadii ay dalalka Carabta iyo Muslimiintu ku cambaareeyeen tallaabadaas.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Imaaraadku bishii Janaayo si qarsoodi ah u adeegsaday magaalada Berbera, isaga oo sheegay in halkaas laga sii gudbiyay hoggaamiye gooni-u-goosad ah oo u dhashay Yemen, iyadoo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddo sannado ah isku dayaysay inay arrimahaas ku wajahdo dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadal, balse markii dulqaadkii dhammaaday, Golaha Wasiirradu 12-kii Janaayo 2026 uu buriyey dhammaan heshiisyadii Imaaraadka, oo ay ku jireen kuwa amniga, difaaca iyo dhaqaalaha, sidoo kalena laga mamnuucay hawada Soomaaliya diyaaradaha milateriga iyo kuwa xamuulka ee Imaaraadka.
"Go'aankaasi ma ahayn fal cadowtinimo, wuxuu ahaa digniin, wuxuuna ahaa tallaabo lagu difaacayo qaranimadeenna," ayuu yiri madaxweynuhu.