Muqdisho (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay heshiisyo ku saabsan dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo si toos ah ula gashay maamul-goboleedyo, isaga oo sheegay in dekedahaasi ay yihiin hanti ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
" Dekedahaasi ma aha hanti uu leeyahay maamul-goboleed gaar ah. Waa hanti qaran oo ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waana qayb ka mid ah kaabayaasha istaraatiijiga ah ee xeebaha dalkeenna," ayuu yiri Xasan Sheekh oo khudbad muuqaal ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in heshiisyada heer qaran ay tahay in lala galo Dowladda Federaalka Soomaaliya. "Dowlad kasta oo ixtiraamta sharciga caalamiga ah waxay ogtahay in heshiisyada heer qaran lala galo dowladda federaalka ah ee dalka," ayuu yiri.