Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kaga wada hadlay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka fikradaha xagjirka ah, iyadoo Sacuudigu sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo wacyigelinta bulshada iyo tababarka hawl-wadeennada ka shaqeeya ka-hortagga xagjirnimada.
Sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya (OPM), wada-hadallada ayaa dhexmaray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Sacuudiga, Sareeye Guud Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri. Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid xilli wafdiga Sacuudigu booqasho ku joogay Muqdisho.
Xamsa ayaa wafdiga la wadaagay tallaabooyinka iyo qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee lagula dagaallamayo fikradaha xagjirka ah, isaga oo sidoo kale ka hadlay dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada khatarta ay leeyihiin kooxaha hubeysan ee xagjirka ah.