Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu doonayo inuu kala qaybiyo Soomaaliya iyo Suudaan, isaga oo sheegay in Abu Dhabi ay hore u kala qaybisay Liibiya iyo Yemen. Wuxuu sidaas ku sheegay khudbad toos ah oo uu galabta u jeediyay shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Imaaraadka Carabta waxay tagtay Liibiya, waxayna ka tagtay iyadoo kala qaybsan. Sidoo kale, waxay tagtay Yemen, waxayna ka tagtay iyadoo kala qaybsan. Maanta sidaas ayay la doonayaan Suudaan iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu intaas ku daray: “Kuwa maanta maciin bidayana ha akhriyaan casharrada taariikhdaas.”
Khudbaddan ayaa ahayd dhaleeceyntii ugu adkayd ee uu ilaa hadda u jeediyo dalkaas Khaliijka, oo muddo ka mid ahaa saaxiibbada ugu dhow ee Soomaaliya. Waxay timid toban bilood kaddib markii dowladdiisu ay burisay dhammaan heshiisyadii lala galay Imaaraadka.
Xasan Sheekh ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu heshiisyo la xiriira dekadaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo la galay maamul-goboleedyada, isaga oo dhinac maray dowladda federaalka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Imaaraadku saldhigyo milatari iyo ciidamo ka dhisay meel ka baxsan nidaamka amniga qaranka Soomaaliya, isaga oo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in Imaaraadku maamul-goboleedyada qaarkood siiyay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale si ay uga hor yimaadaan dowladda dhexe. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inuu door mug leh ka qaatay aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland, isla markaana uu diiday inuu saxiixo bayaan wadajir ah oo ay dalalka Carabta iyo Islaamku ku cambaareeyeen tallaabadaas.