Muqdisho (Dawan)– Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Talaadadii ku baaqay in la xiro idaacadaha iyo warbaahinta uu sheegay inay u shaqeeyaan Imaaraadka Carabta, lagana noqdo ruqsadaha ay ku shaqeeyaan. Hadalkiisa ayaa soo baxay daqiiqado kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad toos ah oo uu shacabka u jeediyay ku eedeeyay Imaaraadka inuu wiiqayo midnimada Soomaaliya.
“Wariyaasha u shaqeeya iyo idaacadaha ay ka furteen dalka in albaabada loo laabo oo ruqsadda lagala noqdo,” ayuu Fiqi ku qoray bartiisa Facebook.
Fiqi ayaa sidoo kale ku baaqay in sharciga la horkeeno dadka uu ku tilmaamay “dabadhilifyada hanka yar ee ay adeegsadaan Imaaraadku”. Waxa uu dalbaday in “maleeshiyaadka ay hubeeyeen” lagu daro liiska kooxaha argagixisada.