Jabuuti (Dawan)— Dekedaha Jabuuti ayaa wajahaya koror ku yimid kharashaadka hawlgalka, kaddib qalalaasaha saameeyay isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas iyo Marinka Hormuz, inkastoo dhaqdhaqaaqa badeecadaha dekedaha dalkaasi uu muujiyay koror yar, sida uu sheegay guddoomiyaha Hay’adda Dekedaha iyo Goobaha Xorta ah ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaadi.
Guddoomiyaha oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Hoteelka Escale International ayaa sheegay in maraakiibta waaweyn ay badeecadahooda ku soo dejinayaan dekedaha Jabuuti, si looga sii raro maraakiib kale, taas oo kor u qaadday mugga badeecadaha dib loo raro. Wuxuu sheegay in Jabuuti ay la tacaalayso xaalad aysan qayb ka ahayn sababteeda, balse ay si toos ah u dareemayso saameynteeda dhaqaale iyo tan ganacsi.
“Annagu qayb kama nihin xiisaddan, balse saamaynteeda ayaan la kulmaynaa,” ayuu yiri Xaadi, isaga oo rajo ka muujiyay in xiisadda gobolka ay dhowaan dhammaan doonto.
Jabuuti, oo ku taalla marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa muhiimad gaar ah u leh isu-socodka badeecadaha u kala goosha Afrika, Aasiya iyo suuqyada kale ee caalamka. Hase yeeshee, xaaladda amni ee gobolka ayaa sare u qaaday kharashaadka la xiriira adeegyada dekedaha.