Muqdisho (Dawan)– Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shaaciyay in la qorsheynayo in kahor 15-ka bisha Ramadaan la soo gabagabeeyo doodda iyo ka shaqeynta cutubyada harsan ee Dastuurka Kumeelgaarka ah.
Guddoomiyaha, oo shir guddoominayay kulanka wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in xilligan hortooda yaallaan cutubyada 10-aad, 11-aad iyo 12-aad ee Dastuurka, kuwaas oo ay soo gudbisay Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.
Cutubyada la horkeenay Baarlamaanka ayaa kala ah:
* Cutubka 10-aad: Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda
* Cutubka 11-aad: Nidaamka Maaliyadda Guud





.jpg&w=3840&q=75)