Jabutii (Dawan)- Waxaa Jabuuti lagu qabtay munaasabad weyn oo lagu xusayay sannad guuradii 45-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay xisbi xaakimka Jabuuti ee RPP.
Madaxweynaha Jabuuti, ahna guddoomiyaha xisbiga, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu uga hadlay taariikhda xisbiga markii dhidibada loo taagay bishii March 1979-kii, guulihii la gaaray intii uu hoggaaminayay talada dalka iyo qorshaha u yaal hadda si looga dhabeeyo himilooyinka shacabka Jabuuti.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xisbigu ka qeyb qaatay in laga gudbo kala qeybsanaanta ku dhisan qabyaaladda, isirka iyo danaha gaarka ah.
Geelle waxa uu sheegay in ay adagtahay in Xisbi uu jiro 45 sano balse ay arrintaas ku timid isku xirnaanta xubnaha xisbiga, mabaadi'da xisbiga ee xoogga saareysa midnimada iyo horumarka qaranka Jabuuti.
"Aabbayaashii dhidibada u taagay xisbiga, waxa ay doonayeen in ay xisbiga ku aas-aasan meel ka caagan kala qeybsanaanta, waxeyna u doorteen Dikhil oo caan ku ah midnimada iyo wada jirka” ayuu yiri, Geelle.