Muqdisho (Dawan)- Doorasho hala aado, hala codeeyo, waa fahannay, waa farriinta dowladda waqtigeeda sii dhamaanayo laakiin, yaan dooranaa, sidee u dooranaa, sideese loo kala guuleysanayaa. Waa su’aalo ay ahayd in looga jawaabo wacyigelinta. Marka yey tahay inay doorashada wacyigelin ka sameeyaan?
Marka ay timaado gudbinta farriimaha wacyi-dhiska la xiriira ee doorashooyinka, 3 qolo kaliya ayey bulshadu maqashaa oo ay tahay inay howshaan qabtaan, si dadaalku u miro dhalo.
1- Guddiga Doorashooyinka: Waa Garsooraha rasmiga ah ee ciyaarta doorashada, xilalka iyo masuuliyaddiisa dastuuriga ah waxaa ka mid ah inuu wacyi galiyo codbixiyayaasha, waana shaqadiisa ugu muhiimsan marka doorasho laga qabanayo meel Soomaaliya oo kale ah, oo dadku doorashada aysan waxba ka aqoon. Wuxuu dadka ku wacyigelinayaa sharciyada doorashooyinka, xeer nidaamiyayaasha, hagayaasha iyo wax walba oo la xiriira sida laysu dooranayo, sida laysku sharaxayo iyo sida loo kala adkaanayo.
2- Ururrada Siyaasadda: Waa cidda ku tartameysa masraxa doorashada, waxaa waajib ku ah inay soo jiitaan tirada ugu badan ee codbixiyayaal si ay ugu codeeyaan ururkooda, waxay warbaahinta u isticmaalaan si ay u helaan taageerayaal, waxay garacaan albaabada codbixiyayayaasha iyagoo taageero weydiisanaya. sidaas darteed waa jihada ugu muhiimsan ee kaalin ku yeelan karta sare u qaadidda tirada cod bixiyeyaasha, ka fogaanshaha khaladaadka iyo ka daadejinta taageerayaashooda habraacyada doorashada.


