Addis Ababa (Dawan)- Muddadii loogu tala galay soo gudbinta murashaxiinta xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku ekeed 6-dii bishan August, waxaa magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.
Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas'uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.
Sanadkan, kaltanku waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.
Maxamuud Cali Yuusuf- Jabuuti
“Anigu waxaan ahay murashaxa kaliya ee awooda in uu isku hayo gobolada kala duwan ee Afrika, inkasta oo aan ku hadlo luqadda Faransiiska, hadana sidoo kale, waxaana ku hadla luqadaha English-ka iyo Carabiga” ayuu yiri murashaxa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Maxamuud Cali Yuusuf oo 58 jir ah, waxa uu shaqada dowladda bilaabay ka dib markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay, isaga oo u safray dalka Faransiiska si uu sii wato waxbarashadiisa luqadaha ajnabiga ah.
Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo heer wasiiro ah, gaar ahaan wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay sannadkii 2001, ka dibna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah May 2005.