Ka dib shirka, saddex ma'suul oo ka mid ah afarta aan kor ku soo xusnay ayaa midba si gaar ah u sheegtay in uu isaga ahaa shir guddoonka shirka, taas oo hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada.
Wasiirka amniga ayaa ku imaada magacaabis toos ah oo ka soo baxda xafiiska Ra’iisul wasaaraha, waxaana dhaariya guddoonka Golaha Shacabka.
Taliyaha Boliiska :
Taliya Boliiska ayaa la magacaaba kadib soo jeedinta Wasaaradda amniga Gudaha, ka dibna waxaa la marsiiyaa ansixinta Golaha wasiirada, si madaxweynuhu u soo saaro magacaabitiisa.
Sidoo kale Taliyaha Boliiska ayaa ah qofka sida tooska ugu gudbiyo madaxweynaha warbixinada la xiriira amniga guud ee dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir:
Booska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa lagu magacaaba wareegto madaxweyne, ka dibna waxaa la marsiiyaa ansixinta Golaha wasiirada.
Khubarada amniga waxa ay sheegayaan in marka la joogo shir looga hadlayo amniga, mas'uulka ugu sarreeya ee joogana uu yahay Wasiirka amniga gudaha in uu yahay shakhsiga ugu mudan ee iska leh shir guddoonka.
Arrinta la xiriirta isku qabsiga shir-guddoominta ama awoodaha hay'adaha dowladda Soomaaliya ayaa ah wax in badan soo noqnoqday, waxaana muuqata in waqti badan ay qaadan doonto si loo xalliyo.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda waxaa lagu sheegay in shirka uu guddoomiyay wasiirka Amniga gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Bogga lagu faafiyo howlaha Boliiska, waxaa lagu qoray in Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin uu kulnaka ka ahaa shir gudoommiye.