Muqdisho (Dawan)- Jubaland waxay ka mid ahayd isbahaysigii mucaaradka ee lagu soo afjaray xukunkii Nabad iyo Nolol, waxayna kaalin muuqatay ka qaadatay isbedelkii dalka ka dhacay 15kii May 2022 ee dib loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Jubaland kuma qasaarin isbedelkaas, waxayna federaaalka ka heshay maamuuski ugu waynaa dhanka siyaasadda, iyada oo la siiyay wasiirka koowaad ee xukuumadda.
Labadi sanoo ee lasoo dhaafay, waxaa lagu wada socday degganaan iyo feejignaan u muuqatay in la leeyahay hal hiigsi laakin wax kasta waxay si kedis ah isku bedeleen markii la furay faylka doorashooyiinka.
Mucaaradkii saldhigoodu ahaa Muqdisho ee ka tirsanaa isabahasyigaas maanta intooda badan waa mucaarad, waxayna xukuumadda hadda joogta u jiraan masaafo la eg tii ay u jireen dowladdii Farmaajo.
Puntland kuma negaan agjooga iyo la shaqaynta federaalka waxayna xuduudkeeda xiratay markii isbedel lagu sameeyay qaybo ka mid ah cutubyada dastuurka, inkasta oo la aamisanyahay inuu markii horeba jiray salluug siyaasadeed .
Villa Somalia waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay dalka uga hirgelin lahayd doorasho qof iyo cod ah. Doorashadaas waxaa lagama maarmaan u ah in loo helo heshiis siyaasadeed oo ay qalinka ku duugaan madaxada federaalka iyo kuwa dowlad goboleeyada. Sharciyeynta heshiiskaas waxaa u xilsaaran Baarlamaanka halka ay xukuumaddu leedahay hirgelin doorashada qof iyo codka.
Ilaa iyo hadda waxaa intaas ogol gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.