Puntland (Dawan) – Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Faysal Sheekh Cali Jifo-Jabdade, ayaa sheegay in abaarta baahsan ee ka taagan gobolka ay sababtay dhimashada 7 qof, kuwaas oo intooda badan caruur yihiin, isla markaana saameyn weyn ku yeelatay dadka iyo xoolaha gobolka.
Kulanka Golaha Horumarinta Gobolka Mudug, oo ay ka qeyb galeen guddoomiyeyaasha degmooyinka, ayaa looga hadlay xaaladda abaareed iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Jariiban iyo tuulooyinka hoos yimaada ay ka dhaceen abaaro sababay dhimashada 7 qof, kuwaas oo u dhintay xaaladaha ceel la’aanta iyo biyo yaraanta.






