Muqdisho (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha bahwadaagta la ah mashruuca DRIVE ayaa maanta shaaciyey in 12-kii bilood ee la soo dhaafay xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed la gaarsiiyey lacag dhan 11.5 milyan oo doollar, taas oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 17,300 oo qof.
Lacagtan ayaa isugu jirta magdhowga caymiska xoolaha, dhiirrigelinta kaydka, faa’iido-qaybsiga iyo taageerooyin kale oo dhaqaale, kuwaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo khasaaraha xoolo-dhaqatada ka soo gaara abaaraha.
Mashruuca Yaraynta Khatarta, Kobcinta Ka-qaybgalka iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xoolo-dhaqatada (DRIVE) ayaa diiradda saaraya sidii xoolo-dhaqatadu u heli lahaayeen adeegyo caymis iyo taageero maaliyadeed oo ka caawiya inay u adkeystaan abaaraha iyo saameynta isbeddelka cimilada.