Jabuuti (Dawan)– Dowladda Jabuuti ayaa wada qorshe lagu xoojinayo iskaashatooyinka beeraha, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo tayeynta hoggaankooda iyo dhismaha awoodda maamul ee hay’adahaas, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata horumarinta wax-soo-saarka gudaha. Arrintan ayaa diiradda lagu saaray kulan shaqo oo Talaadadii ka dhacay xarunta Unugga Maareynta Mashruuca (UGP) ee taageerada silsiladaha qiimaha beeraha ee u adkaysta isbeddellada iyo caqabadaha (FAR).
Kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo khubaro ka socotay Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), oo hoos timaadda Bangiga Adduunka. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka qiimeyn lagu sameeyay Barnaamijka Hoggaaminta Ganacsiyada Beeraha (ALP), oo ay taageerto IFC. Sidoo kale, waxaa laga dooday qorshaha lagu ballaarinayo barnaamijka iyo sidii loogu heli lahaa saldhig hay’adeed oo joogto ah.
Mas’uulka xiriirinta barnaamijka ee UGP, Cabdulqaadir Ciise, ayaa sheegay in barnaamijku yahay aalad muhiim u ah dhismaha iskaashatooyin leh hannaan maamul oo wanaagsan iyo awood dhaqaale oo wax-ku-ool ah. Isagoo gudbinayay aragtida Wasiirka Beeraha, Biyaha, Kalluumeysiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda, Radwan Cabdillaahi Bahdoon, ayuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo sii wadista taageerada iskaashatooyinka, kor u qaadista xirfadaha hoggaamiyeyaasha iyo adkeynta natiijooyinkii laga gaaray wejigii koowaad. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo isku-duwidda hay’adaha iyo dhinacyada ay khusayso.
Dhankiisa, khabiirka IFC, Djankou Ndjonkou, ayaa soo bandhigay qiimeynta wejigii tijaabada ahaa ee barnaamijka, kaas oo la gaarsiiyay 24 iskaashato oo ku kala baahsan dalka.
Qiimeyntu waxay soo jeedisay in barnaamijka la sii ambaqaado, iyadoo iskaashato kasta loo kordhinayo afar maalmood oo tababar iyo la-talin toos ah. Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira tayeynta tababarayaasha iyo diyaarinta agab waxbarasho oo dheeraad ah. Wejiga labaad ee barnaamijka ayaa la filayaa inuu bilowdo horraanta bisha Maarso 2027.