Muqdisho (Dawan)– Diyaaradaha dagaalka ee nooca F-16 ee Turkiga, kuwaas oo fadhigoodu yahay Soomaaliya, ayaa dhammaystiray duulimaad wareeg ah oo u dhexeeyay Muqdisho iyo Turkiga. Diyaaraduhu waxay guud ahaan jareen masaafo dhan 11,038 km (5,960 mayl-badeed) muddo 55 saacadood ah, sida ay maanta oo Arbaco ah sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.
Wasaaraddu waxay barteeda X ku sheegtay in duulimaadka ay fuliyeen duuliyeyaal ka tirsan Guutada 161-aad ee Diyaaradaha Jet-ka ee Saldhigga Lixaad ee Bandırma. Duuliyeyaashu waxay hoos yimaadaan Taliska Ciidamada Cirka ee Hawlgalka Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxayna duuliyeen diyaaradaha u baahnaa in dayactir lagu sameeyo.
Duulimaadyada u dhexeeyay Muqdisho iyo Bandırma, oo ku taalla waqooyi-galbeed Turkiga, ayaa lagu fuliyey laba duulimaad oo aan lahayn meel dhexe oo ay ku hakadaan, sida ay sheegtay wasaaraddu. Hase yeeshee, ma aysan shaacin tirada diyaaradaha ka qayb qaatay hawlgalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hawlgalkani uu yahay mid aan caadi ahayn marka la eego duulimaadka diyaaradaha dagaalka. Waxay intaas ku dartay in duulimaadku dunida u muujiyey “awoodda istaraatiijiyadeed ee Turkiga ee hawlgallada masaafada fog iyo taageeradiisa joogtada ah ee xasilloonida Bariga Afrika”.