Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Arbaco ah ugu baaqay siyaasiyiinta inay joojiyaan baadi-goobka lacago ay ka helaan dhinacyo shisheeye. Wuxuu sheegay in nidaamkii doorashooyinka dadban ee dalka ka jiray uu ku dhisnaa lacagahaas.
Madaxweynuhu hadalkan wuxuu ka sheegay munaasabaddii furitaanka Waddada Jamhuuriya oo dhererkeedu yahay 7 kiiloomitir, taas oo isku xirta deegaannada bari ee Degmooyinka Karaan iyo Yaaqshiid ee caasimadda Muqdisho. Wuxuu munaasabadda ku dhaleeceeyay siyaasiyiin weli dibadda u safra si ay lacago uga ururiyaan taageerayaal shisheeye, dabadeedna ugu adeegsadaan iibsashada taageero siyaasadeed.
“Sideedaba, ha raadin Abuu Hebel iyo Sheekh Hebel. Waxba kaama jiraan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. “Maxay idin siinayaan? Ma sadaqo baa mise sakaa?” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynuhu ma uusan magacaabin dal ama siyaasi gaar ah. Hase yeeshee, hadalkiisa ayaa yimid maalin kadib markii uu khudbad telefishinka laga sii daayay jeediyay, taas oo uu Dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu ka shaqeynayso wiiqidda midnimada Soomaaliya, isla markaana taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada si ay uga hor yimaadaan dowladda federaalka.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhinacyada shisheeye ay Soomaaliya ka leeyihiin dano gaar ah, maadaama dalku leeyahay goob istiraatiiji ah iyo khayraad dabiici ah.