Muqdisho (Dawan)– Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Imaaraadka Carabta u sheegtay inuu xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Soomaaliya u soo maro Dowladda Federaalka oo kaliya, iyadoo diidday waxa ay ku tilmaantay faragelinta joogtada ah ee Abu Dhabi ay ku hayso arrimaheeda gudaha. Tallaabadan ayaa timid maalin kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaliishii ugu adkayd u jeediyay Imaaraadka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay “walaac weyn” ka qabto faragelinta joogtada ah ee dowladda Imaaraadka, taas oo ay sheegtay inay wiiqayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.
Kadib khudbaddii madaxweynaha ee Talaadadii, Soomaaliya “waxay mar kale caddaynaysaa diidmadeeda ku aaddan xiriir kasta oo shisheeye ama nidaam amni oo barbar socda, kana madax-bannaan Dowladda Federaalka, oo ah hay’adda keliya ee awoodda u leh xiriirka dibadda ee Soomaaliya,” ayay tiri wasaaraddu.