Addis Ababa (Dawan)– Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Hareeraha Webiga Entoto–Kebena ee magaalada Addis Ababa, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee isbeddelka iyo casriyeynta magaalooyinka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya.
Mashruucan ayaa dhererkiisu gaarayaa 10.5 kiiloomitir oo hareeraha webiga ah, waxaana ka mid ah nidaamyo casri ah oo loogu talagalay ka hortagga fatahaadaha, buundooyin cusub iyo goobaha cagaaran ee dadweynaha, kuwaas oo la filayo inay kor u qaadaan bilicda deegaanka iyo tayada nolosha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in mashruucu uusan ku koobnayn oo keliya dhismaha kaabeyaasha, balse uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo ka tarjumaysa himilada Addis Ababa ee ah inay noqoto magaalo u adkeysan karta isbeddelka cimilada, meel ku habboon nolosha bulshada, isla markaana u diyaarsan tartanka caalamiga ah ee dhinacyada dalxiiska iyo dhaqaalaha.