Muqdisho (Dawan)- Xubno ka tirsan Kooxda Heegan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho kaga hadlay buug laga qoray taariikhda iyo suugaanta marxuum Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur, kaas oo cinwaankiisu yahay Hal-abuurkii iyo Haldoorkii Suugaanta Abwaan Cabdi Bashiir Indhabuur.
Xubnaha kooxda ayaa sheegay in buugga ay ku jiraan xog ay su’aalo ka keeneen, gaar ahaan heeso ay sheegeen in si khaldan loogu nisbeeyey marxuumka. Waxay tilmaameen in shan heesood oo aanay u arag inuu abwaanku lahaa lagu daray suugaantiisa.
Heesaha ay arrintan ku xuseen waxaa ka mid ah “Waagii Beryow Walalac”, “Ha Noogina”, “Soomaali Guurtay” iyo “Noolow Madaalow”.
Waxay sidoo kale beeniyeen sheegashada ah in Abwaan Indhabuur uu madax ka ahaa Kooxda Heegan intii u dhexeysay 1972-kii iyo 1991-kii. Waxay sheegeen in aan kooxda si toos ah wax looga weydiin xogta la xiriirta taariikhda abwaanka ka hor inta aan buugga la qorin.
Abwaan Cabdi Cadow Kulane, oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in faragelinta lagu sameeyo taariikhda iyo suugaanta abwaannada ay soo xoogaysatay kaddib burburkii dalka.
“Been-abuurka laga sameeyo abwaannada waxaa la bilaabay markii ay dhammaadeen dhacii loo geysanayey ashyaada, markaas ayaa la bilaabay in suugaantii iyo taariikhdii abwaannada la farageliyo,” ayuu yiri Cabdi Cadow Kulane.