Addis Ababa (Dawan) – Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada militari ee dowladda Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Iiraan, isagoo ka digay in xiisaddan ay horseedi karto masiibo dhaqaale oo caalami ah oo si ba’an looga dareemo qaaradda Afrika.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa qoraal uu soo saaray ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, isagoo dhinacyada oo dhan ku boorriyay inay dib ugu laabtaan miiska wada-hadallada.
“Guddoomiyuhu wuxuu ka digayaa in xiisadahan cusub ay khatar ku yihiin xasilloonida caalamka, isla markaana ay saameyn weyn ku yeelan karaan suuqyada tamarta, sugnaanta cuntada iyo adkeysiga dhaqaalaha—gaar ahaan qaaradda Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga.








