Hargeysa (Dawan)— Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta uu sii xoogeysanayo, kaddib markii uu maanta oo Khamiis ah dib ugu soo laabtay Hargeysa, sida uu baahiyay Telefishinka Somaliland.
Safarka ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa dadaallada Somaliland ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay la leedahay Imaaraadka Carabta.
Sida lagu sheegay warbixinta, xiriirka labada dhinac ayaa sannadihii la soo dhaafay sii xoogeysanayay, wuxuuna yeeshay muhiimad istaraatiiji ah oo la xiriirta maalgashiga, ganacsiga, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.