Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux ayaa Arbacadii ciidamada ka codsaday inay ka baxaan garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay walaac ka muujiyeen amniga garoonka, kaddib iska horimaadyo toddobaadkii hore ka dhacay.
Wasiir Maxamed Faarax Nuux, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho, ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay Talaadadii soo saartay ogeysiis duulimaad (NOTAM) oo la xiriira garoonka, balse uu xusay in ogeysiiskaasi uusan ka dhignayn in garoonka la xiray.
"Garoonka Beledweyne dowladda federaalku ma xirin, culays kale oo ka jiraana ma jiro," ayuu yiri Nuux. Wuxuu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay walaac amni muujiyeen kadib markii ciidamo galeen garoonka, isla markaana ay maalmihii u dambeeyay halkaas ka dhaceen shaqaaqooyin. Wuxuu intaas ku daray in shirkaduhu wasaaradda ka codsadeen inay si gaar ah ula socoto xaaladda garoonka inta ay xaaladdu ka soo hagaagayso. "Waxaanu ka codsanaynaa ciidamada ku jira inay ka baxaan, waxaanu ka codsanaynaa siyaasiyiinta inaan loo isticmaalin adeegga bulshada oo garoonku kow ka yahay siyaasadda oo aan la ciidamayn," ayuu yiri.