Muqdisho (Dawan)– Isbitaalka Dr. Sumait ee caasimadda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu bil kasta dalka keeno dhakhaatiir takhasus leh oo bukaannada Soomaaliyeed ay markii hore dibadda ugu safri jireen si ay adeeggooda caafimaad u helaan, sida uu maanta oo Khamiis ah sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka.
Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Sumait, ayaa hadalkan sheegay xilli uu soo dhaweynayay Dr. Gopi Krishna Yedlapati, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada sambabada, ahna agaasimaha caafimaadka ee Yashoda Hospitals, oo ku yaalla magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya. "Waxaa hadafkeenna ahaa inaan bil kasta dalka keeno dhakhaatiirta takhasuska leh ee bukaannadu markii hore dibadda ugu safri jireen si ay daaweyn uga helaan," ayuu yiri Cali Faarax.
Wuxuu sheegay in Dr. Yedlapati uu yahay dhakhtarkii labaad ee takhasuska leh ee isbitaalku dalka keeno bishan, kaddib dhakhtar kale oo yimid toddobaadkii hore. Dr. Yedlapati ayaa bukaannada ku qaabili doona Isbitaalka Dr. Sumait muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo Jimcaha illaa Axadda, 29-ka November. Kaamka caafimaad waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Yashoda Hospitals, Isbitaalka Dr. Sumait iyo shirkadda Health Bridge Som Consultants.
Dr. Yedlapati ayaa sheegay inuu daaweyn doono bukaannada qaba cudurrada kala duwan ee sambabada, oo ay ka mid yihiin: Neef-qabatinka, Qufaca joogtada ah, Qandhada aan dhammaan, Qaaxada (TB), Khuurada iyo neef-qabatinka xilliga hurdada iyo Kansarka sambabada, Wuxuu sheegay in bukaannada aan adeegyada daaweynta ee ay u baahan yihiin laga heli karin Muqdisho lagu hagi doono sidii ay u heli lahaayeen daaweyn heer sare ah ama qalliin.