Dhuusamareeb (Dawan)— Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Khamiistan si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb uga furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF), sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA).
Shirka waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ka socda hay’adaha bani’aadannimada. Wafdiga waxaa hoggaaminaya George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.