Dhuusamareeb (Dawan) – Wasiirrada dowladda cusub ee maamulka Galmudug ayaa Arbacadii la dhaariyay, kadib markii Baarlamaanka maamulka uu si aqlabiyad leh u ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo barnaamijkooda shanta sano ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xuseen Maxamed Nuur, ayaa sheegay in fadhiga ay joogeen 81 xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood u codeeyay ansixinta, iyadoo aysan jirin cid ka soo horjeesatay ama ka aamustay. Wuxuu ku dhawaaqay in sidaas lagu ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo barnaamijkooda.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa 22-kii November magacaabay dowlad ka kooban 66 xubnood. Golaha cusub waxaa ku jira 24 wasiir, 18 wasiiru-dowle iyo 24 wasiir-ku-xigeen, waxaana xubnihiisa ka mid ah lix haween ah. Isagoo Golaha Wasiirrada u soo bandhigayay baarlamaanka, Liibaan wuxuu sheegay in barnaamijka dowladda ee 2027–2031, oo loogu magac daray "Aayo-dhiska Galmudug", uu ka kooban yahay shan tiir oo waaweyn iyo 130 hadaf oo ay fulinayaan 26 wasaaradood. Wuxuu sheegay in wasiir kasta loo xilsaaray shan hadaf oo waaweyn, isla markaana uu qoraal ahaan u diyaarin doono qorshe-hawleed, miisaaniyad iyo warbixinno joogto ah oo ku saabsan fulinta waajibaadkiisa.
Sida ku cad khudbaddiisa, tiirka koowaad wuxuu ku saabsan yahay dib-u-heshiisiinta iyo nabadda waarta. Waxaa ka mid ah xallinta khilaafaadka la xiriira dhulka, biyaha iyo daaqa, iyo xoojinta doorka odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhallinyarada.
Liibaan wuxuu sheegay in dowladdu ay xoojin doonto ciidamada amniga iyo Booliska si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan. Wuxuu intaas ku daray in maamul, caddaalad iyo adeegyo bulsho la gaarsiin doono deegaannada laga xoreeyay kooxaha hubeysan.