Muqdisho (Dawan) — Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Abukaate Maxamed Xasan Nuur, oo buuxinaya xubinta ka bannaanayd Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, sida ay sheegtay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Maryan Cali Abukar, ayaa Golaha Aqalka Sare horgeysay Abukaate Maxamed Xasan Nuur, kaddib markii uu soo maray hannaanka xulashada iyo qiimeynta ee waafaqsan shuruucda dalka.