Jabuuti (Dawan) — Jabuuti ayaa guul diblomaasiyadeed ka gaartay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, kaddib markii Ururka Hawlgalka Maaliyadeed ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (GAFIMOAN) uu si wadajir ah u ansixiyay warbixinta qiimeynta qaranka Jabuuti.
Ansixintan ayaa Khamiistii ka dhacday magaalada Abu Dhabi, maalintii ugu dambeysay ee shirweynihii 43-aad ee GAFIMOAN, kaas oo 21-kii Nofeembar ka furmay caasimadda Imaaraadka Carabta.
Dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa bogaadiyay dadaallada Jabuuti ee lagu xoojinayo qaab-dhismeedka sharci, hay’adeed iyo hawlgal ee lagula dagaallamayo dambiyada maaliyadeed. Waxa ay si gaar ah u xuseen dib-u-habeynta la sameeyay, isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo ka-qaybgalka dhinacyada kala duwan ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Cumar Cabdi Saciid, ayaa hoggaaminayay wafdiga dalkaas, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, la-taliyaha sharciga ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Axmed Cismaan oo ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Qaranka, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Maaliyadeed ee Qaranka.
Sidoo kale, wafdiga waxaa ka mid ahaa saraakiil ka socotay hay’adaha amniga qaranka iyo Wasaaradda Magaalooyinka iyo Guriyeynta, kuwaas oo door ku leh kormeerka qaybaha dhaqaalaha ee khatarta ugu jira lacag-dhaqidda, gaar ahaan suuqa hantida ma-guurtada ah.