Addis Ababa (Dawan) – Midowga Afrika ayaa sheegay in maamulka shan goobood oo ku yaalla Soomaaliya, oo ay ku jiraan saldhigyo hore oo hawlgal, lagu wareejiyay ciidamada amniga Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la bilaabayo wejiga koowaad ee qorshaha lagu dhimayo baaxadda howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC) ayaa sheegay in wareejintani ay muujinayso horumarka ay ciidamada Soomaaliyeed ka sameeyeen dhisidda awooddooda, fulinta hawlgallada iyo la wareegidda mas'uuliyadda amniga ee deegaannada muhiimka ah.
Qorshahan ayuu Goluhu ansixiyay Arbacadii, kaddib kulan uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, wuxuuna xusay hawlgallo wadajir ah oo ay dhowaan fuliyeen ciidamada Soomaaliyeed iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaas oo kala ahaa “Duufaanta Aamusan " iyo “Hillaac ”. Waxa kale oo uu xusay hawlgallo ay ciidamada Soomaaliyeed keligood fuliyeen.
Goluhu ma uusan magacaabin shanta goobood ee lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in qorshaha kala-guurka wadajirka ah uu muujinayo guulo la taaban karo, iyadoo mas'uuliyadda goobaha si tartiib-tartiib ah loogu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.