Jabuuti (Dawan)— Kooxda Ilaalada Xeebaha Jabuuti ayaa gashay labada kaalmood ee ugu horreeya tartanka orodka 10-ka kiiloomitir ee ragga, kaas oo markii toddobaad lagu qabtay waddooyinka caasimadda dalkaas.
Sida ay Jimcihii sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), Aden Waberi Darar ayaa kaalinta koowaad ku galay 27 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi, halka saaxiibkiis Moutar Isman Samri uu kaalinta labaad ku galay 28 daqiiqo iyo 29 ilbiriqsi. Ayed Farah Aye ayaa kaalinta saddexaad ku galay 28 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi.
Dhinaca haweenka, Kaira Mohamed Demil oo ka tirsan Kooxda Ilaalada Jamhuuriyadda (GR) ayaa kaalinta koowaad ku gashay 33 daqiiqo iyo 40 ilbiriqsi. Neima Youssouf iyo Deka Ahmed Mahamoud oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti (FAD) ayaa kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad, iyagoo tartanka ku dhammeystay 34 daqiiqo iyo 34 ilbiriqsi iyo 34 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi.
Tartanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa orod laba kiiloomitir ah oo loogu talagalay ragga naafada ah, kaas oo uu ku guuleystay Abdoulrazack Bouh Roble, halka Moussa Houssein Abdillahi iyo Abdi Abdillahi Hassan ay kala galeen kaalmaha labaad iyo saddexaad.