Jabuuti (Dawan)— Shirkadda Adenka, oo ka shaqeysa adeegyada xisaab-xirka iyo la-talinta ganacsiga ee Afrika, ayaa Arbacadii xafiiskeedii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ka furatay Jabuuti, kaas oo noqonaya xarunteeda toddobaad ee qaaradda.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), munaasabadda furitaanka oo lagu qabtay hoteelka Djibouti Palace Kempinski waxaa ka qeyb galay madax ka socotay ganacsiyada iyo wakiillo ka socday hay’adaha maaliyadda, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, Youssouf Moussa Dawaleh, iyo Mariam Daher oo matalaysay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.
Aasaasaha Adenka, Marc Wabi, ayaa sheegay in doorashada Jabuuti ay ku salaysnayd goobta istiraatiijiga ah ee dalka, oo isku xirta Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, iyo sidoo kale kaabayaasha dekedaha, marinnada ganacsiga iyo aagagga ganacsiga xorta ah. Wabi ayaa carrabka ku adkeeyay in Jabuuti aysan ku koobnayn oo keliya xarun ay isaga gudbaan badeecadaha, lacagaha iyo xogta, balse ay muhiim tahay in ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ay si weyn uga faa’iidaystaan maalgashiga lagu sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha.