Muqdisho (Dawan)– Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka wareejinaya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inuu dahab iyo macdan ka qodo gobolka Sanaag ee Puntland, isagoo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish u adeegsanaya marmarsiiyo.
Fiqi ayaa eedeymahan jeediyay Khamiistii, intii uu ka qaybgalayay barnaamijka Dood Furan oo lagu qabtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Barnaamijka waxaa baahiyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho. Wuxuu sheegay in Imaaraadku sameystay shirkado uu ku eedeeyay inay dhacayaan hantida dadka Soomaaliyeed, isla markaana dahabka iyo macdanta ka qodaya gobolka Sanaag.
"Imaaraadku hadda ciidamada uu keenay oo beyska meesha uga samaystay, uu leeyahay Daacish baan meesha ka saarayaa, Daacish lagama saarayo ee meesha inuu dahab ka gurto rabaa," ayuu yiri Fiqi. Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadka iyo Daacish ay "is arkeen, isna fahamsiiyeen".
Fiqi ayaa sheegay in dahabka la qodo la dhoofiyo, isagoo xusay in aan la xakamayn waxa Imaaraadku ka dhoofiyo dekadaha iyo garoomada uu gacanta ku hayo.