New York (Dawan) — Dowladda Jabuuti ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqday in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ilaalinayo marinnada badda iyo fiilooyinka isgaarsiinta ee badda hoosteeda mara, xilli adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee colaadaha uu khatar ku yahay ganacsiga iyo isgaarsiinta caalamka.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), Wakiilka Joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Maxamed Siyaad Ducaale, ayaa Khamiistii hadalkan ka jeediyay dood heer sare ah oo Golaha Ammaanku ka yeeshay xalinta colaadaha xilli ay si xawli ah isu beddelayso tiknoolajiyaddu.
Jabuuti oo ku taalla marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta maraakiibta ganacsiga, dekedaha, dadka ku sugan badda iyo kaabayaasha isgaarsiinta.