Hargeysa (Dawan)— Ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dhawaaqay amarro cusub oo adag oo lagu xoojinayo amniga iyo nabadgelyada guud ee deegaanada Somaliland, kuwaas oo si toos ah u khuseeya dhaq-dhaqaaqa shacabka, hoteellada, iyo guryaha la kireeyo.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Sare Cabdicasiis, ayaa sheegay in amaradan ay waajibinayaan in qof kasta oo ku nool ama ku sugan deegaanada Somaliland uu mar walba sito kaarkiisa aqoonsiga, iyadoo ciidanka ammaanku ay si joogto ah u sameyn doonaan baaritaanno iyo hubin la xiriira aqoonsiga muwaadiniinta.
“Qof kasta waa in uu sitaa kaarkiisa aqoonsiga, ciidanka Booliska koontaroolada jooga waxa ay hubin doonaan, hadii ay kaa waayaanna, Ciidanka booliska waxay qaadi doonaan talaabo kasta oo sharci ah”,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cabdicasiis.
Afhayeenku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in milkiilayaasha hoteellada, nootaayooyinka, iyo guryaha la kireeyo ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay hubinta aqoonsiga dadka ay hoy siinayaan, isla markaana aysan kireyn karin qof aan si sharci ah loo aqoonsan.






