Muqdisho (Dawan)– Aqoonyahanno, xirfadlayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, ilaalinta shacabka iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhammeeyo wadahadal loo dhan yahay.
Bayaan ay saxiixeen 29 qof ayay ku sheegeen in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan sharci iyo dastuuri ah, halkii loo adeegsan lahaa iska horimaad hubeysan.
Saxiixayaashu waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay muujiyaan is-xakameyn, ilaaliyaan nafta iyo hantida shacabka, kana fogaadaan abaabul qabiil, hadallo naceyb xambaarsan, kicin bulsho iyo faafinta warar marin-habaabin ah.
“Khilaafaadka siyaasadeed waa inaan loo oggolaan inay kala qaybiyaan bulshada ama sii kordhiyaan dhibaatada dadka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaankaan ayaa ku soo aadaya maalma ka dib markii Taliyihii hore ee Ciidan Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo garan ogyahay Taliye Shub uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahin maxalli ah in aysan dagaalka joojin doonin inta uu Koofur-galbeed uu hogaaminayo Aadan Madaxamed Nuur Madoobe.