Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay xeer-nidaamiye cusub oo lagu maamulayo adeegyada wakaaladaha safarka, shatiyadooda iyo ilaalinta xuquuqda rakaabka, sida uu Arbacadii weriyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV). Xeerkan waxaa soo saaray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux, waxaana ujeeddadiisu tahay in la helo hannaan sharciyeed oo lagu maamulo adeegyada wakaaladaha safarka, laguna ilaaliyo danaha rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha, sida uu sheegay SNTV.
Xeer-nidaamiyuhu wuxuu dejinayaa shuruudaha shatiyeynta, diiwaangelinta iyo kormeerka wakaaladaha safarka iyo shirkadaha iibiya tikidhada diyaaradaha, isaga oo xaqiijinaya in adeegyadaasi loo bixiyo si hufan oo waafaqsan shuruucda dalka.
Sidoo kale, xeerku wuxuu qeexayaa xuquuqda iyo waajibaadka rakaabka, wakaaladaha safarka iyo shirkadaha diyaaradaha, isaga oo si gaar ah diiradda u saaraya daah-furnaanta qiimaha tikidhada, lacag-celinta, maaraynta cabashooyinka iyo habraacyada magdhowga.