Muqdisho (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka wada hadlay qorshaha dhimista ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo dardargelinta qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulan Arbacadii magaalada Baraawe ku dhexmaray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda ee ka tirsan AUSSOM, Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhimista ciidamada AUSSOM, dhisidda awoodda hawlgal ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed si tartiib-tartiib ah.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bogaadiyey naf-hurnimada iyo doorka ciidamada Uganda ee taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ammaanay iskaashiga amni ee labada dal.