Muqdisho (Dawan)– Markii ugu horreysay, magaalada Muqdisho ayaa martigelisay Madasha Dhaqaalaha Wareega Soomaaliya (Somalia Circular Economy Forum), oo diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa qashinka, dib loogu isticmaali lahaa, looguna sameyn lahaa dib-u-warshadayn, si agabka la tuuro loogu beddelo kheyraad waxtar leh iyo fursado ganacsi.
Madasha oo ay soo qabanqaabisay Horn Thrive Hub waxaa ka qeybgalay daneeyayaal ka shaqeeya arrimaha deegaanka, ganacsato, khubaro iyo marti ka socotay dalka Kenya. Ka qeybgalayaashu waxay ka wada hadleen sidii loo abuuri lahaa hannaan dhaqaale oo qashinka ka dhiga wax-soo-saar iyo kheyraad laga faa'iideysto, halkii uu ka ahaan lahaa dhibaato deegaan.
Halku-dhigga madasha, “Qashinka aan u beddelno kheyraad iyo fursado dhaqaale,” wuxuu xambaarsanaa farriin ka ballaaran ilaalinta deegaanka, isagoo dhiirrigelinayay in qashinka loo arko hanti dhaqaale oo la maalgashan karo, lagana abuuri karo ganacsiyo cusub.
Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee madasha lagu falanqeeyay ayaa ahaa doorka dib-u-warshadayntu ku yeelan karto dhimista shaqo la'aanta.
Haddii la helo shirkado iyo ganacsiyo badan oo ku takhasusa ururinta, kala-soocidda, dib-u-isticmaalka iyo dib-u-warshadaynta qashinka, waxaa abuurmi kara fursado shaqo oo ay ka faa'iideystaan dhallinyarada iyo bulshada inteeda kale.