Muqdisho (Dawan)– Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa markii shanaad ku guuleysatay kursigeeda Golaha Wakiillada Maraykanka doorashooyinkii xilliga dhexe ee Talaadadii, iyadoo siyaasiyiin kale oo Soomaali-Maraykan ah ay kuraas ka heleen baarlamaannada gobollada Minnesota iyo Ohio, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.
Ilhaan, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa degmada 5-aad ee Minnesota kaga adkaatay musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, John Nagel. Ilhaan, oo Soomaaliya uga soo qaxday dagaalladii sokeeye, ayaa muddo dheer bartilmaameed u ahayd hadallada Madaxweyne Donald Trump ee ka dhanka ah soo-galootiga.
Sannadkii 2018-kii ayay noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee loo doorto Congress-ka Maraykanka, iyadoo sidoo kale ka mid ahayd labadii haween Muslimiin ah ee ugu horreeyey ee ka mid noqda golahaas.
Bartamaha Minnesota, Cabdi Deysane ayaa ka adkaaday musharraxa Jamhuuriga, Mike Conway, oo ah guddoomiyaha golaha magaalada St. Cloud, isaga oo noqday xildhibaankii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee laga doorto aaggaas.
Deysane ayaa ku guuleystay kursiga degmada 14A ee Aqalka Wakiillada Minnesota, isaga oo helay 9,164 cod, oo u dhiganta 51.6%, halka Conway uu helay 8,570 cod, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Deysane ayaa kursigan kala wareegay Jamhuuriga, kaddib markii uu ku guuldarreystay doorashadii 2024-kii.
“Waa wax fiican inaad guuldarreysato, dabadeedna aad soo laabato oo guuleysato,” ayuu Deysane u sheegay warbaahinta St. Cloud LIVE habeenkii doorashada.