Dhuusamareeb (Dawan) — Liibaan Axmed Xasan ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib markii madaxweynihii hore, Axmed Cabdi Kaariye, uu xilka ku wareejiyey. Munaasabadda caleemasaarka hoggaamiyaha cusub ayaa la filayaa inay maanta, Khamiista, dhacdo.
Axmed, oo Galmudug hoggaaminayey muddo 2,467 maalmood ah, tan iyo 2-dii Febraayo 2020, ayaa sheegay inuu xilka ku wareejiyey maamul mideysan. “Waxaan kugu wareejiyey Galmudug oo bulsho iyo dhaqaale ahaan u mideysan,” ayuu yiri Axmed. waxa uu raaciyay “Waxaan kugu wareejiyey Galmudug oo aan dhihi karno meel aysan ka jirin cilad, qalad ama dhibaato ah Soomaaliya.”
Wuxuu sheegay inuu hoggaamiyaha cusub ku wareejiyey heshiiskii ay dowladda Galmudug la gashay shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha, iyo mashaariicda dhismaha waddooyinka oo qaarkood la dhammeystiray, sida waddooyinka isku xira caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb, iyo magaalooyinka Cadaado iyo Guriceel. Wuxuu intaas ku daray in mashaariic kale oo waddooyin ah ay bilaabanayaan, kuwaas oo la xiriira magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Hobyo iyo Caabudwaaq.
Axmed ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan inay garab istaagaan oo si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Liibaan Axmed Xasan.