Baydhabo (Dawan) – Ugu yaraan 45 aqoonyahan, odayaal dhaqameed iyo hoggaamiyeyaal bulsho oo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in dib loo dhigo doorashooyinka, iyagoo ka digay in qabashada doorasho degdeg ah taas oo sida ay sheegeen sii xumeyn karta xiisadda siyaasadeed iyo amni ee hadda jira.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen manata oo Talaado ah , ayay ku sheegeen in xaaladda ka taagan gobolka ay ka gudubtay khilaaf siyaasadeed oo caadi ah, islamarkaana ay isu beddeshay qalalaase dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan iska hor imaad hubeysan, burbur hay’adeed iyo dhibaatooyin soo gaaray shacabka.
“Waxa hadda socda ma aha oo kaliya khilaaf siyaasadeed caadi ah, balse waa qalalaase dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin iska hor imaad hubeysan, burbur hay’adeed iyo dhibaatooyin soo gaaray shacabka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Saxiixayaasha bayaanka, oo ay ku jiraan aqoonyahanno iyo dananeyeyaal, ayaa sheegay in rabshadaha ay sababeen dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac, iyagoo ka digay in xaaladdu kasii dari karto haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Waxay ugu baaqeen hoggaanka Koonfur Galbeed inuu mudnaanta siiyo wadahadal iyo dejinta xiisadda, isla markaana la abuuro hannaan siyaasadeed oo dib u soo celiya kalsoonida shacabka iyo nidaamka dastuuriga ah
