Muqdisho (Dawan) – Arkaan AI Center ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo bandhigtay Garad.ai, oo ah madal mideyneysa adeegyo badan oo ku dhisan garaadka gacmeedka (Artificial Intelligence), iyadoo ujeeddadu tahay in la fududeeyo howlaha shaqsiyaadka, shirkadaha iyo hay’adaha.
Garad.ai ayaa hal madal ku kulmisa adeegyo kala duwan oo AI ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qorista qoraallada, naqshadeynta, sameynta muuqaallada, maamulka email-lada, suuq-geynta iyo howlaha kale ee ganacsiga. Sida lagu sheegay munaasabadda, madashan ayaa yareynaysa baahida loo qabo in isticmaaluhu u kala wareego barnaamijyo kala duwan si uu u qabto shaqooyinkiisa.
Jaabir Cusmaan Geedi, oo ka tirsan Arkaan AI Center, ayaa sheegay in Garad.ai uu si gaar ah uga faa'iideyn doono kooxaha warbaahinta iyo suuq-geynta.
Waxa uu sheegay in dhinaca warbaahinta, gaar ahaan maamulka baraha bulshada, Garad.ai uu awood u leeyahay in hal mar lagu daabaco waxyaabaha loo diyaariyo dhammaan baraha bulshada, halkii si gooni-gooni ah loogu maamuli lahaa. Waxa uu intaas ku daray in madashu ay sidoo kale fududeynayso adeegyada la xiriira wicitaannada, shirarka, soo saarista macaamiisha cusub (leads), maamulka xiriirka macaamiisha (CRM), iibka iyo suuq-geynta.
Garad.ai ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay awoodda uu u leeyahay diyaarinta email-lada, ka jawaabista fariimaha, maaraynta jadwallada shaqada iyo taageeridda suuq-geynta ganacsiyada, taasoo la filayo inay kordhiso wax-soo-saarka goobaha shaqada.
Eng. Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf, oo ku xeeldheere software-ka kana mid ahaa ka qeybgalayaasha munaasabadda, ayaa sheegay in madashan ay fursad weyn u abuureyso dadka isticmaala AI.
Waxa uu xusay in uu hore u arki jiray adeegyo noocan oo kale ah oo ay bixiyaan shirkado shisheeye, balse uu aad ugu bogaadinayo Arkaan AI Center sida ay hal madal ugu mideeyeen in ka badan 32 nooc oo AI ah, kuwaas oo uu uga faa'iidaysan karo abuurista nuxurka (content creation), barnaamijyada kombiyuutarka (coding) iyo adeegyo kale, isaga oo aan u baahnayn rukumo kala duwan oo dibadda ah.