Dhuusamareeb (Dawan)– Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maantq oo Khamiis ah ballanqaaday in kooxda Al-Shabaab laga saarayo deegaannada ay weli ka maamusho Galmudug, isaga oo arrintaas ka hadlayay munaasabadda caleemasaarkiisa oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Liibaan ayaa sheegay in maamulkiisu uu iskaashi la yeelan doono dowlad-goboleedyada deriska ah, dowladda federaalka iyo shacabka Galmudug, si kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta ku hayso muddo kooban. Waxa uu dagaallamayaasha kooxda ku tilmaamay argagixiso u adeegta “gacmo shisheeye”. Waxa uu intaas ku daray in marka Al-Shabaab laga saaro Galmudug, maamulkiisu uu ka shaqeyn doono sidii kooxda looga ciribtiri lahaa guud ahaan Soomaaliya.
Hoggaamiyaha cusub ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ay Sabtida billaabi doonto geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug. Arrintan ayaa ka mid ahayd ballanqaadyadii uu sameeyay intii uu ku jiray ololaha doorashada, isaga oo qorsheeyay in la hirgeliyo 100-ka maalmood ee ugu horreeya muddo-xileedkiisa.