Dhuusamareeb (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemasaarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Liibaan ayaa Madaxweynaha ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale gaaray magaalada, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleemasaarka hoggaanka cusub ee Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kale.
Liibaan ayaa sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu ay muujinayso garab-istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Galmudug. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in caleemasaarku yahay fursad lagu muujinayo wadajirka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.