Kismaayo (Dawan)— Taliye ku-xigeenka Qaybta Labaad ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Gaashaanle Sare Daniel Musau, ayaa shalay magaalada Kismaayo kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga.
Sida uu sheegay Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AUSSOM iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan wax ka qabashada caqabadaha amni iyo taageeridda dadaallada lagu xasillinayo deegaannada maamulka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay joogtaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hoggaanka ciidamada iyo mas’uuliyiinta Jubbaland, si loo adkeeyo iskaashiga amniga loona abuuro jawi ku habboon nabadda iyo horumarka.
Gaashaanle Sare Musau ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta joogtada ah ee ciidamada iyo hoggaanka deegaanka, isaga oo xusay in iskaashigaasi uu gacan ka geysanayo xaqiijinta yoolalka amni ee ay wadaagaan dhinacyada ka hawlgala Qaybta Labaad ee AUSSOM.